Quantcast
Channel: Radio Codka Qaranka » Arimaha Bulshada
Viewing all articles
Browse latest Browse all 11

KHILAAF SOO JIREEN NOQDEY !!

0
0
Number of View :5

Xasan Shiikh Magacaabisitii Saacid wuxuu yiri  “Intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano”

Xasan Shiikh Magacaabisitii Cabdiweli wuxuu yiri  “Ra’iisul Wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 Siyaasi”

Xasan Shiikh  ma u adkeysan doonaa sidii Madaxwayne Aadan Cabdule  Cisman !!

 

La yaab ma laha in maanta iyo berriba la maqlo waxaa is khilaafay madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxwaynaha iyo RaIisul Wasaaraha, markaan sidaa leeyahay khilaaf u dhexeeya labada nin oo cirka isku shareeyey hada sooma bilaaban oo Madaxdii soo martay Soomaalia ayaa waxa uu u ahaa dabiici.

Tusaale waxaa Khilaaafkii ugu horeeyey ee dhex mara Madaxwayne iyo Raisul Wasaare dhex maray Alaha u wada naxariistee Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan iyo RaIsul Wasaaraihiisii ugu horeeyey Rai’sul Wasaare C/rashiid Cali Sharmake, waxayna labada nin isku qabteen xiriirkii la doonayey in lala samaysto Quwadihii waagaas ee reer Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeeti oo mid walbaahi waxa uu door bidayey hal quwad.

Waxaa kale oo is qabtay ka dib Alaha u naxriistee Madaxwayne Cabdi Rashiid Cali Sharmake iyo Rai’sul Wasaarihiisii Maxed Xaaji Ibraahin Cigaal oo la sheego iney isku qabteen in loo hogaansamo ama si hoose loogu dhega raariciyo Dowladii Maraykanka oo dano badan ka lahayd Soomaaaliya.

Intaa wixii ka danbeeyey waxa dalka la wareegey ciidamadii milatariga  kuwaas oo mabda’oodu ahaa qaybi oo xukun taladana  waxaa laga qaadanayey  Hal qof oo kaliya cidii ka hor timaadana waxay wajahaysay Cawaacib adag.

21 sano ka dib waxaa meesha laga saaray Dowladii awooda badnayd ee Soomaaliya, Soomaliyana waxay ka baxday Saaxada Siyaasada Caalamka waxayna u gacan gashay Caaqilo Dagaal oo Qabiil Qabiil u abaabulnaa, waxay Soomaaliya caalamka ku soo laabatay markii Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele  ku yaboohay shirwayne Qaran oo ka dhacay  Tuulada Carte ee Jabuuti.

Shirkaas waxaa ku soo baxay Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan oo Raisul Wasaare u doortay Cali Khaliif Galayr waxaana Khilaaf hareeyey sababsaday inuu meesha ka baxo Raisul Wasaare Cali Khaliif galaydh, waxaana xigey oo lagu bedelay Xasan Abshir Faarax oo durba ay is qabteen C/qaasim Salaad Xasan waxaana Raysul Wasaare Xasan Abshir  ku fikir noqday kooxdii Mucaaradka ee  Hawase iyo Soodare.

Shirkii xigey kii Carte waxa uu ahaa kii Embegaati ee Kenya waxana ku soo baxay Alaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf oo Rai’sul Wasaare ka dhigtay Cali Maxed Geedi,  waxaana dhex maray Khilaaf kii ugu xumaa oo gaaray markii dambe in Dowlada Itoobiya oo ay Ciidamo badani ka joogeen Soomaliya ku qasabto inuu xilka ka dego  Rai’sul wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana marka ka dib saaxada siyaasada Soomaaliya soo fuulay Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo Raisul Wasaare noqday isla markiiba ,waxay isku dhaceen Madaxwaynihii Magacaabay waxaana dhexdhexaadin ka dib Beesha Caalamku ku qasbeen in Madaxwayne Cabdulaahi yuusuf meesha isaga tago.

Xukuumadii Nuur Cadde oo an Madaxwayne lahayn ayaa waxay Heshiis la gaartay Ururkii Asmara oo uu Madaxda u ahaa Sheikh Shariif Axmed oo wax yar ka dib ku soo baxay Dooradsho ka dhacday Jabuuti waxa uuna Raisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdi Rashiid Sharmake waxaana Khilaaf hareeyey sababay in Sheikh Shariif xilkii ka qaado,  oo uu diido Raisul Wasaare Sharmake waxaana qasab noqotay in Sheikh Shariif ka noqdo go’aaankii uu hore u qaatay.

Markaaa ka dib waxa dhacday in waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay abaabulaan in saaxada Siyaadada Soomaaliya ay ka soo muuqdaan Soomaalida  dibedda ku nool, waxayna taasi sababtay in Rai’sul wasaare loo magacabo Max’ed Cabdulaahi Farmaajo, sanad badhkii ka dibna Sheikh Shariif Qamaar Siyaasadeed oo  ay wada dheeleen isaga iyo wadamo daneeya soomaaliya meesha uga saaro oo uu magacabo mid ka mid ah Golihiisii Wasiirada, Cabdi Weli Max’ed Cali, wax yar ka dibna waxaa soo if baxay Khilaafkooda kasoo Aakhirkii gaaray in Rai’sul Wasaare Gaas uu beeniyo wixii uu Madaxwaynihiisu  ku dhawaaqo isagoo sheegaya in aanay sharci ahayn, waxaa kaloo dhacday in khilaafkas u dhexeeyey Sheikh Shariif iyo Cabdi Weli Max’ed Cali in Rai’sul Wasaaruhu ka hadli waayo Radiyo Muqdisho xiligii uu ahaa Musharaxa Madaxwayne amaba si kale hadalkiisa loo dhigo marka uu ka baxayo Radiyaha Dowlada.

Waxaa la soo gaaray intaa ka dib in Soomaaliya ka baxday xiligii KMG waxaana markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho  lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay Khilaafkooda iyadoo Madaxwaynaha ay hore uga soo yeertay “intii aaan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” waxaana dhacday in Baarlamaanku meesha ka saaro Raysulwasaare Saacid kadib markay u dulqaadan waayeen Khilaafkooda.

 Waxaana durba Madaxwayne Xasan Sheikh miiska soo saaray nin ku cusub siyaasada Soomaaliya waa Raii’sul wasaare C/weli Skiikh Axmed oo la rumaysan yahay iney saaxiibadii u keeneen oo aanay aqoon dheer isu lahayn, waxaana laga soo xigtay in Madaxwaynuhu yiri “waxaan Raii’sul wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 siyaasi” hada waxay kala taagan yihiin qir iyo qir, si rasmiyana looma oga waxa khilaafkoodu ku qotomo, waxayna arintani cuuryaaisey heshiis dhex mari lahaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxa kale oo u muuqdaa inuu meesha ka saarayo wadahadaladii musalsalka ahaa ee  Soomaaliya iyo Soomaali-land, waxaa sidoo kale laga caqsi abaa inuu caqabad ku noqdo shirka loo madlan yahay inuu bisha Novembar ka dhaco dalka Denmark oo looga hadlayo waxa loogu yeero hiigsiga sanadka 2016.

Si kastaba dad badan ayaa iswaydiinaya in Madxwayne Xasan Shiikh  u adkaysan karo iyo in kale  sidii Madaxwayne Aadan Cabdule  Cisman oo RaI’sul Wasaarihiisii C/rashiid Sharmaake oo khilaaf u dhexeeyo u daayey xilkiisii tan iyo intuu ka dhamaysto mise waxaa uu  Cabdiweli marsiin doonaa Wadadii Saacid uu marsiiyey..

W/Q. Cabdinaasir Xirsi iidle

E-Mail  naasirx1@hotmail.com

00252615503978

 

iidle


Viewing all articles
Browse latest Browse all 11

Latest Images

Trending Articles